Mid Kamid ah Beelaha oo Eedeysay Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa dhawaan magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho.

Xilka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa loo magacaabay Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale,oo xilkaan soo qabtay intii u dhaxeysay 2012-kii ilaa 2016-kii xiligii Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.

Balse waxaa arintaas ka hor yimid mid kamid ah beelaha Soomaaliyeed, oo sheegtay in loogu baxay balanqaad ay ka haysteen Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.

Odey  kamid ah Taageerayaashii Xisbigii Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud Xiligii doorashadda oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in loo balanqaaday xil weyn balse ay waayeen wixii ay rabeen.

Waxa uu sheegay in beesha uu kasoo jeedo ay doonayeen Xil weyn aysan hamigooda aysan aheyn Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaaladda Muqdisho.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Gudoomiye Madaale oo qabiil ahaan wadaagaan loo magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyagana sidaas meesha kaga baxeyn,madaama isku qabiil yihiin balse laf ahaan kala duwan yihiin.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here