Dhageyso: Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo Sheegay in uu Yahay Musharax Madaxweyne

0

Madaxweynaha soomaliya xasan sheikh Maxamuud ayaa sheegay in uu yahay musharax u taagan qabashada xilka Madaxweynaha soomaliya doorashada dhacaysa sanadka 2016-ka

Isagoo ka qeyb galay Barnaamij Gaar ah ayuu sheegay Madaxweyne xasan sheikh Maxamuud in uu yahay musharax u taagan qabashada xilka Madaxweynaha soomaliya xil sanadka soo socda lagu balansan yahay in dalka ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha

Madaxweynaha soomaliya  Xasan sheikh Maxamuud ayaa beeniyay wararka ku aadan in dowladiisa ay qorsheenayso in Mudo Kororsi ay samaysato xili jiritaanka dowlada uu Hogaamiyo ay ka Harsan tahay mudo Yar oo cayiman

Sidoo kale Madaxweynaha soomaliya xasna sheikh Maxamuud ayaa sheegay in uusan kamid aheyn ururada dalka xiligaan ka jira xili qaar kamid Warbaahinta ay hadal Hayeen in uu ka Tirsan yahay Madaxweynaha Ururka DAM JADIID

Sanadka 2016 ayaa la filayaa in dalka lagu qabto doorashada Madaxtinimada Soomaliya

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here