Madaxweynaha Puntland oo La Kulmay Saraakiil sar-sare oo Ka Tirsan dalka Itoobiya

0

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa la kulmay saraakiil sar-sare oo ka tirsan ciidamadda dalka Itoobiya iyo qunsulka Itoobiya ee Puntland, Dagnachew Yitbarak.

Kulanka ayaa looga hadlay iskaashiga labada dhinac ee dhanka Amaanka, la-dagaalanka kooxaha Argagixisada ah iyo sidii qorshe midaysan looga yeelan lahaa wax kasta oo liddi ku ah xasiloonida iyo nabadgelyada, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland.

Sidoo kale waxaa la sheegay in kulanka looga hadlay iskaashiga ganacsi iyo isu socodka dadka ee Puntland iyo Itoobiya.

Kulanka waxaa Madaxweyne Deni ku wehelinayay Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaana kala qaybgalay Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Sareeye Guuto Yaasiin Cumar Dheere, Taliye Xi-geenka ciidanka Daraawiishta Siciid Shoode iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada.

Saraakiisha sar-sare Itoobiya ee la kulmay Madaxweynaha Puntland ayaa maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha Gen. Abshir ee magaalada Garowe.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here