Xildhibaanadda Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeelanaya Xarunta Villa Hargeysa ee Magaaladda Muqdisho.
Ajendaha kulanka ayaa kala ah:-
1– Hadal jeedinta Cabdisalaan Axmed Dhabancad oo ahaa Gudoomiyihii KMG ee Golaha Shacabka.
2 – Hadal jeedinta iyo xil-wareejinta Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ahaa Gudoomiyihii Golaha Shacabka ee Baarlamaankii 10-aad.
3 – Hadal jeedinta Sheekh Aadan Madoobe Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad.
Kulankaan oo noqonaya kii ugu horeeeyey ee xildhibaanada golaha shacabka baarlamaankaan 11-aad ay isugu yimaadaan, iyagoo leh guddoon rasmi ah, kaas oo 27-kii ilaa 28-kii bishan lagu doortay teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.

