Sarkaal Ka Tirsan Malatariga Soomaaliya oo Lagu Qarxiyay Magaaladda Muqdisho

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo ka dhacay Magaaladda muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Jugta qaraxa oo meelo kala duwan laga maqlay ayaa ka dhacday Degmadda Hodan ee Gobolka banaadir.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal qaraxa oo dhulka lagu sii diyaariyay ayaa lala eegtay Gaari Cabdi bilaha uu la socday sarkaal ka tirsan Ciidamadda Dowladda Soomaaliya.

Sarkaalka la beegsaday oo lagu magacaabo Janeraal Maxamed Xaashi Guuleed ayaa kasoo baxay Taliska Villa Baydhabo, isagoo u socday dhismaha xarunta wasaarada gaashaandhigga ee ku taala degmada Deyniile, halkaas oo ah goobta uu ku shaqeeyo.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku dhintay 3 ruux oo laba lamid ah ay socdeen sarkaalka malatariga ka tirsan.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here