Magaaladda Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hir-Shabeele waxaa maanta ka dhacaysa doorashada mid kamid ah afarta kursi ee ku harsan maamulka Hirshabelle.
Doorashada kursiga Hop009 ayaa maanta lagu wadaa in lagu qabto qabto Magaaladda Jowhar,sida Guddiga Doorashooyinka ay xaqiijiyeen.
Misharixiinta kala ah Cabdisataar Cabdisalaan Sheekh Xassan Barsane oo kursigaan horay ugu fadhiyay iyo Cali Xassan Ibraahim ayaa ku tartamaya, iyadoo loo badinayo inuu ku soo baxo codeyta Xasan Barsane.

