Waxaa socda qorshe ku aadan in doorashadda Gudoonka golaha Shacabka in loogu wareejinaayo Xarunta Villa hargeysa sababo amni.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa qiray jiritaanka arintan, isagoo sabab uga dhigay in amniga Villa Hargeysa aanu eheyn mid la isku haleyn karo, xili labadii kulan ee u danbeeyay mid kamida madaafiic lagu soo tuuray halka kan kalena xabad lagu dhuftay qaboojiyaha xarunta xili hadal jeedinta gudoonka baarlamaanka ay socotay.
“Sida ay wax u dhaceen in ay ula kac ahayd iyo in ay wiifto ku dhacday labaduba ma sheegi kari balse markii aan tagnay xarunta ayaa naloo sheegay in xabad ay ku dhacday Qaboojiyaha, maalintii dhaweyd Hoobiye ayaa soo dhacay, waxaa xigay Qaboojiyaha oo xabad ku dhacday, waxa aan ku dedaalnay in aanay dib u dhicin hadal jeedinta oo aan qabaneyno maalintii 2aad, dabcan waan baddeli doonaa goobta lagu qabanayo Doorashada Guddoonka” Ayuu yiri Cabdirisaaq Cumar Maxamed Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka BFS.

