Wafdi uu hoggaaminaayo Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT Mudane Muuse Geelle ayaa goordhaweyd gaaray Magaalada Kismaayo ee xarunta Dowladd Goboleedka Jubbaland.
Guddoomiyaha oo ay weheliyaan ku-xigeenka guddiga iyo labo xubnood oo kale oo katirsan guddiga FEIT ayaa waxaa garoobka diyaaraha ee Magaalada Kismaayo kuso dhaweeyay Guddoomiyaha Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka SEIT Jubbaland iyo xubno kale.
Ujeedka socdaalka guddiga ayaa ah korjoogtaynta doorashada 16ka kursi ee deegaan doorashada labaad ee Jubbaland iyo sidoo kale kursiga berri lagu qaban doono Magaalada Kismaayo ee summadiisu tahay HOP#079.




