Xubin Kamid ah Guddiga Doorashooyinka oo Qarax Ka Badbaaday

0

Mahad Cumar Cabdi oo ka tirsan xubnaha guddiga doorashooyinka heer Federaal ee FIET, ayaa ka badbaaday qarax lagu weeraray saakay xilli uu ku soo jeeday Muqdisho, Mahad ayaa ah wakiilka guddiga FIET ee Hirshabeelle, waxuuna kamid yahay xubnaha sida firfircoon ula shaqeeya guddoomiyaha guddiga Muuse Geelle.

Gaariga uu la socda ayaa qaraxa wuxuu ku haleeyay inta u dhaxaysa magaalada Jowhar iyo garoonka diyaarahadaha magaaladaas oo xoogaa ka baxsan magaalada, waxaana ku dhintay laba askari oo ilaala u ahaa Allaha u naxariisto.

Mowliid Mataan oo ah guddoomiye ku xigeenka guddiga doorashooyinka heer federaal ee FEIT ayaa sheegay in qaraxii uu saakey ka badbaaday Mahad Omar Abdi oo guddiga ka tirsan uu yahay isku daygii labaad ee lagu khaarijin rabay xubnaha guddiga, balse fashilmay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here