Gudoomiyihii Hore ee Guddiga Doorashoyinka oo Weeraray Xarunta Guddiga

0

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinku Heer Federaal ee (FEIT) waxa uu u caddeynayaa Bulshada Soomaaliyeed iyo cid kasta oo daneynaysa arrimaha doorashada, in Guddoomiyihii hore ee Xilka laga qaaday Maxamed Xasan Maxamed iyo Xoghayihii hore Cabdirixiin Cabdicasiis Adam, ay weerareen Xarunta Guddiga, iyaga oo isku dayey inay qalalaase ka abuuraan goobta ay shahaado bixintu ka socotay. Xubnaha abuuray qaskaas ayaa ah kuwo ku shaqeynaya fikrado gurracan oo xagal-daacinaya shaqada doorashada.

Waxay ka dhigantahay in caqabado iyo jid-gooyo hor leh lagu abuurayo doorashada iyaga oo dhexda mareyso shaqada shahaada bixinta Xildhibaanada la doortay. Guddigu waxa uu ku dedaalayaa mar kasta inaan ka dhabeynayno dhammeystirka Jadwalka doorashada ee aan horey u shaacinnay.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here