Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) wuxuu ku wargelinayaa dhammaan Ummadda Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Doorashada in warqaddani aysan ka soo bixin guddiga islamarkaana tahay been abuur laga sameeyey xubnaha guddiga.
Guddiga Doorashadu wuxuu dammaanad qaadaya gudashada waajibaadkiisa qaran iyo dhammeystirka doorashada waqtiga loo asteeyey.



