Ciidamada Daraawiishta ee Maamulka Galmudug ayaa Duleedka Deegaanka Cadalle ku qabtay xubno ka Tirsan Al-shabaab iyo gaari ay kasoo buuxiyeen walxaha Qarxa
Saraakisha Ciidamada Daraawiishta Galmudug ayaa xaqiijiyay inay Shabaab-ka iyo gaarigii ay wateen ciidanku gacanta ku dhigeen, ka dib Howlgal qorshaeysan oo laga fuliyay inta u dhaxeeysa wisil iyo Bajeela.
Saraakiisha waxay tilmaameen inay Shabaab ay doonayeen inay qaraxyo dhigaan wadada isku xirta magaalooyinka Gaalkacyo iyo Hobyo, balse, ciidamada oo ka war helay dhagarta Al shabaab ay waqti ku bixiyeen sidii Gacanta loogu dhigi lahaa ayna Suuro-gashay.

