Caana-nuug oo Noqday Xildhibaankii Ugu Horeeyay ee Qaata Shahaadada Xildhibaannimo

0

Xildhibaan Mohamed Ali Omar (Caana-nuug) ayaa noqday Xildhibaankii ugu horreeyey ee qaata shahaadada Xildhibaannimo ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanku waxa uu ku soo baxay kursiga; HoP#108,kadib doorasho ka dhacday Magaaladda Kismaayo.

Shalay guddiga doorashooyinka Heer Federaal ayaa shaaciyay in 2-April oo maanta ku beegan la bilaabi doono shahaadda siinta Xildhibanadda sida rasmiga ah ugu soo baxay doorashooyinkii ka dhacay Dowladd goboleedyadda.

“Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) wuxuu ku wargelinayaa in Xildhibaanada jooga Muqdisho ay billaabanayso Barri Subax bixinta shahaadada Xildhibaannimo. Sidaas darteed, waxaa lagu wargelinayaa inay yimaaddaan Xarunta Guddiga FEIT ee Airport Hotel Saacaddu markay tahay 8:00AM (Aroornimo), Taariikhda: 02/04/2022.

Sidoo kale Xildhibaanada Gobollada iyo Dalka Dibeddiisa ku  maqan waxaan ku wargelinaynaa inay yimaaddaan sida ugu dhakhsaha badan, si loo hirgeliyo Jadwalka Dhammeystirka Doorashada ee GHDHF ay soo saartay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here