Raisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay kulan loogu duceynayay Allaha u naxariistee xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi iyo muwaadiniintii kale ee ku geeriyooday qaraxyadii dhawaan lagula beegsaday magaaalada Baladweyne.
Railsulwasaare rooble ayaa sheegay in uu hore u balanqaaday in arrinta ikraan tahliil uusan ka hari doonin balse arrintasi la siyaasadeeyay oo loo bedelay dagaal u dhexeeyo Rooble iyo Farmaajo.
“Waxaan ballanqaaday in arrinta Ikraan aan god u galayo haddii i gaarsiiso welina balankaas waa ku taaganahay dad badan ayaa igaga baxay balantaas waa la siyaasadeeyay arrinta ma ahayn ujeedkeena farmaajo laakiin waxaan dooneynay in raggii cadaalada darada ikraan ka dambeeyay in aan Maxkamad horkeeno.”ayuu yiri Rooble.
“Waxaan aaminsanahay sida aan u aaminsanahay inaan cawada dhimanayo in Aamino gacanta ka gardaran ee dishey inay ahayd gacantii dishey Ikraan Tahliil, sababtoo ah markii uu Madaxweynaha Hirshabelle uu furay kursiga Aamino ay ku fadhidey isla markaana aan ku raacay in la bedelo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Hirshabelle waxaa saacad kadib ii soo dhacday farriin dhahayso kursigaas Aamina ee aad furteen boob iyo ujeedo ayaad ka leedahay laakiin waa waxaad ka hesho Cali Guudlawe iyo adigana waan iska kiin celineynaa Hirshabelana waan iska celineynaa adigana waa iska kaa celinaynaa”ayuu yiri Rooble.
Ugu dambeyntii Raisulwasaare rooble ayaa sheegay in ay joogaan dadkii soo abaabulay oo qarashka ku bixiyay dadkii isku qarxiyay Aamino oo keenay magaalada Beledweyne balse maruun cadaalada la horgeyn doono.

