Shariif:-“Dalku Waxa uu Ku Kiraa Xaalad Halis ah oo aan La Dhayalsan Karin”,

0

Madaxweynihii hore ee dowladii KMG aheyd  Shariif Sheekh Axmed,haatana kamid ah musharixiinta Xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu baaqay Golaha Wadatashiga Qaranka iyo Guddiyadda doorashooyinka in ay mas’uuliyadda qaataan lana dhaariyo Xildhibaanada si ay u gutaan waajibaadkooda Qaran.

Shariifka oo qoraal soo dhigay bartiisa bulshadda ayaa sidoo kale ka hadlay arrimaha amaanka,deynta cafinta Soomaaliya.

“Dalku waxa uu ku jiraa xaalad halis ah oo aan la dhayalsan karin, waxaa la ogsoonyahay amni darrada baahsan ee ka jirta wadanka iyo sida hay’adaha Amniga ay uga guuldaraysteen sugidda amniga iyo gudashada waajibkii loo igmaday.

“Hay’adihii dhaqaalaha ee dunida sida IMF and WB waxay walaac ka muujiyeen raad xumida ay reebi karto jiitanka doorashada oo ay ugu horeyso- In la hakiyo deeqihii lagu kaabi jiray miisaaniyadda Dalka.- In hannaankii dayn cafinta uu galo hakad ama dib u dhac soo kabashadiisu ay qaadato muddo dheer. Sidaa awgeed, waxaa lagama maarmaan ah in si deg deg loo qabto doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha, marwalba oo dib u dhac uu ku yimaado doorashada waxaa sii kordhaya halista jirta ee ka dhanka ah dadka iyo dowladnimada Soomaaliya,”ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here