Dowladda Soomaaliya oo Ka Hadashay Xaaladda Somalida Ku Sugan Dalka Ukraine

0

Xog dheeraad ah oo ku saabsan xaaladda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan Ukraine

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa u farxad ah in ay ku dhawaaqdo in 348 muwaadin Soomaaliyeed oo ku xayirnaa gudaha dalka Ukraine iyo soohdintiisa oo qaarkood caddaymo la’aan ahaa la soo badbaadiyay.

Waxaa intaasi dheer, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa fududeysay in 65 arday lagu meeleeyo xarumaha tacliinta sare ee dalka Hungary, kadib markii ay ka diiwaan geliyeen Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya arrimaha ay danaynayeen.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa ku boorrinaysa ardayda Soomaaliyeed ee iska diiwaan gelisay inay wax ka bartaan dalka Ukrain, isla markaana xiisaynaya inay waxbarashadooda sare ka sii wataan meel ka baxsan dalka Ukraine inay is-diiwaangeliyaan iyagoo buuxinaya foomka hoose.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here