Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa shaqada dib ugu celiyay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Galmudug.
Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid oo ahaa Kusime Madaxweyne ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel) 29kii bishii May 2021kii kadib khilaaf ka dhashay qaabka loo dhisayo golaha deegaanka degmooyinka Galmudug.


