Al-shabaab ayaa baahiyay magaca iyo qabiilka shaqsigii fuliyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Magaaladda Baladweyne ee Gobolka Hiiraan.
Sida lagu baahiyay warbaahinta Shabaab,dagaalyahankii fuliyay qaraxa ayaa lagu magacaabi jirey Maxamuud C/qaadir Koosaar, gudaha Shabaab looga yaqaanay Al-Baani ayaa ahaa 25 jir, isagoo Shabaab ku soo biiray sanadkii 2016, wuxuuna ka soo dagaalamay gobolo kala duwan.
Wareysi laga qaaday ayuu ku sheegay inuu ka soo jeedo beesha Mareexaan gaar ahaan jufada Celi Dheere isagoo kasoo jeedaa degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo.
Qaraxyadii ka dhacay Magaaladda Baladweyne ayaa waxaa ku dhintay ku dhawaad 50-ruux ay ku jirtay ildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo ka tirsaneyd baarlamaanka Soomaaliya.

