Puntland oo Ka Hadashay in Saciid Deni Iska Casili Doono Xilka Madaxweynaha

0

Puntland ayaa meesha ka saartay in Madaxweynaha Maamulkaas Saciid C/laahi Deni uu iska casili doono Madaxweynaha Puntland madaama u taagan yahay Xilka Madaxweynaha Federaalka.

Wasiirka Maaliyadda Maamulka Puntland Xasan Shire Abgaal, oo warbaahinta kula hadlay magaaladda Garoowe ayaa sheegay in uusan jirin qodob dastuuri ah oo madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni faraya in uu is-casilo kahor inta uusan utartamin jagadda madaxtinimadda Soomaaliya

Waxa uu sheegay in Madaxweyne Deni qorshihiisa koowaad uu yahay in dalka isbadal uu ka dhaco,islamarkaana meesha laga saaro,hogaanka Madaxweyne Farmaajo.

“Waxaa isku milmay dowlada hadda jirta iyo Al-Shabaab. Waxa loo baahan yahayna waa isbedel; isbedalkaas yaan shaki la gelin, yaan war been ah la idin sheegin,marka aad maleyso dad dhahaya madaxweynaha Saciid Cabdullaahi Deni ha is-casilo waxaad moodaysaa in ay jiraan dad raba in dalka sidaan sii ahaado oo Al-Shabaab ay qabsato”.

“Madaxweynaha waa tartamayaa; madaxwaynayaal hore oo Puntland oo tartamay ayaa jira oo goortay heleen is-casilay,sharci iyodastuur bay Puntland leedahay oo la dhaafi maayo,maxay tahay kaliya sababta Xildhibaanad Aamina loogu dilay Beledwyane oo siyaasiyiintii kale u dhexmarayaa magaalada, shakiga marka laga yimaado, dayacaad ayaa jira”.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here