Qoor-qoor oo Kulan La Yeeshay Xildhibaanada Laga Soo Doortay Galmudug

0

Maxadaxwaynaha Dowladd Goboleedka Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa kulan guud laqaatay xildhibaanada cusub ee labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee dhawaan lagu doortay Galmudug.

Kulankan, ayaa daba socday kulamo dhowr ah oo maalmihii u danbeeyay madaxweynuhu la yeeshay xildhibaanada, waxaana kulanka diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya In Kulanka  diiradda lagu saaray xaalada guud ee dalka, waxaana xubnaha fadhiyay ee labada Aqal ka koobnaa ay ku kala aragti duwanaadeen marka la soo hadal qaaday xaalada dalka, gaar ahaan arrinta Amniga markii laga hadlayay iyo sidii dalka looga saari lahaa xaalada kala guurka ah.

Madaxweyne Qoorqoor oo la tuhunsanaa in kulanka uu isugu yeeray Xildhibaannada iyo Senatarada inuu kaga dhawaaqayo inuu yahay Musharax Madaxweyne ayaa ka gaabsaday, taas bedelkeed wuxuu Xildhibaannada kula dardaarmay isku duubni, lagana gudbo kala tafaraaruqa si dalka doorasho degdeg u aado.

Kulanka waxaa ka maqnaa Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame oo kamid ah Musharixiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya,wuxuuna sheegay in uusan ka qeyb gali Karin kulanka sababo la xiriira Qoor-qoor oo Musharaxnimadiisa ku dhawaaqaya, asna sidoo kale Musharax yahay doorashadda Madaxweynaha.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here