Ruushka oo Laga Digay inuu Qorshaynayo Isticmaalka Hub Halis ah

0

Waxa uu wali dagaalo iyo duqeymo ay ka socdaan magaalooyiinka waawayn ee dalka Ukriane, xilli uu meel xasaasi ah mrayo dagaalka Ukraine.

Magaalada Kyiv, sideed qof ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen duqeyn lagu garaacay xaafado iyo xarun ganacsi.

Balse hawlgallada Ruushka ee Ukraine ayaa weli ah kuwa caqabado badan ay ragaadiyeen sida ay sheegeen sarakiisha dalka mareykanka.

Caqabado dhanka saadka aya la so gudboonaday ciidamada Ruushka , sida lagu sheegay qiimeyn uu sameeyay Machadka Daraasaadka Dagaalka ee fadhigiisu yahay Mareykanka.

Warbixintiisa maalinlaha ah ayuu machadku wuxuu xusay in ciidamada Ruushku aysan wax howlgal ah ka sameyn meel u dhow Kyiv Isniintii, taas beddelkeedana ay xoojiyeen difaacyadooda.

Dhanka kale taliyaha militariga dalka Ukraine ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay la wareegeen marin muhiim ah oo ku yaalla gacanka Crimea, iyagoo ka xayiray marinka Ukraine ee dhanka badda Azov.

Milatariga Ukraine ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Ruushka ay lumiyeen “awoodda dhanka weerarka” laguna qasbay inay u yeeraan ciidamo gurmad ah oo xoojiya.

Sida ku cad warbixinta ay soo saareen sarakiisha Ukraine ku dhawaad ​​300 oo askari oo Ruush ah ayaa lagu dilay dagaalka Isniintii oo kali ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here