Dowladda oo Ka Hadashay Qarax Lagu Dilay Maamulihii Iskuulka Dayniile

0

War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay qaraxii lagu dilay AUN Marxuum Daahir Xasan Tooxow (Daahir Digdigle) oo ahaa maamulihii Iskuulka degmada Dayniile.

“Wasiirka Waxbarshadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare XFS Eng Cabdullahi Abuukar Xaaji, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashadda Cabdiraxman Mohamud Cabdulle Jaabiri , Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Waxbarashadda Marwo Nuuriya Aadan Ciise, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashadda mudane Mohamed Abbi Hassan, Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda iyo guud ahaan Shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashadda, waxa ay tacsi tiiraanya leh u dirayaan Ehelkii iyo Asxaabtii uu ka geeriyooday Walalkeen Macalin Daahir Xasan Tooxow, oo ka mid ahaa Maamulayaasha Dugsiyadda Dowladda gaar ahaan Maamulaha Schoolka Dayniile oo ku geeriyooday Qarax lagula beegsaday Degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho. ALLAHA u naxariisto, Ehelkiisa, Bahda Waxbarashadda, Samir iyo Iimaan ALLAHA ka siiyo, annagana gadaashiis nama fitneeyo.
Aamiin.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here