Maleeshiyo Beeleedyo Soomaali ah oo ay Hubaysay Kenya oo Dhibaatooyin ka Wada deegaanada Xudduudka

0

Saraakiisha ciidamada dowlada soomaliya ee Gobolada Jubooyinka  ayaa dowlada Kenya ku eedeeyay in ay maleeshiyo beeleedyo soomali ah ay kusoo daabulayso Gobolada Jubooyinka iyo gedo si ay halkaas dhibaatooyin ugu geystaan.

C/rashiid Macali Gaas oo kamid ah saraakiisha ciidamada dowlada soomaliya ee Gobolada Jubooyinka oo la hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in haatan ay Gobolada jubooyin iyo Gedo ay ku sugan yihiin ciidamada u abaabulan qaab meleeshiyo ah kuwaasi oo dilal iyo dhac u geysanaya dad ku dhaqan Goboladaas.

Waxa uu ka codsaday dowlada dhexe ee soomaliya in ay arintaan soo fara galiso isagoona sheegay in dowlada Kenya ay doonaysa in ay ka aar gudato shacabka soomaliyeed madaama ciidamo badan loogu laayay saldhig ay ku lahaayeen deegaanka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo ee koonfurta dalka soomaliya.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here