Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo balan Qaaday Baxnaano Caafimaad Oo Loo Sameynayo Hooyo xanuunsanaysa

0

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Mudane  Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa maanta isbitaal ku booqday Hooyo soomaliyeed oo la xanuunsanaysa nabar weyn oo ugu soo baxay coloosha misana ah hooyo uur leh.

Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale  waxa uu sheegay In Maamulka Gobolka Banaadir uu madax ka yahay uu  balan qaadayo  wax u qabashada hooyadaan soomaliyeed oo la xanuunsanaysa nabarka weyn oo ugu soo baxay colaasha. misana  ah hooyo uur leh.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in uu Tv-ga ka daawaday haweeneydaan isla markaana uu ka naxay nabarka weyn ee ugu soo baxay caloosha iyadoo sidoo kale ah hooyo uur leh oo ilmaha caloosheeda ku jiro xitaa loo jeedo.

”Maamulka Gobolka Banaadir aan madaxda ka ah waxa uu  balan qaaadayaa wax u qabashada hooyada soomaliyeed ee Nabarka weyn ugu soo baxay  caloosha ayuu saxaafada u sheegay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane  Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here