MadaxA daallo airlines maxamed ibraahim yaasiin colaad ayaa sheegay in qaraxa diyaarada daallo airlines loola dan lahaa diyaarada sameysa duulimaadka caalamiga ah ee Turkish airlines oo laga leeyahgay dalka turkiga.
Wareysi uu siiyey talafashinka Aljazeera madaxa daallo Maxamed ibraahim yaasiin colaad ayaa uu ku xaqiijiyey in rakaabkii diyaarada dallo sarnaa oo gaarayey 74 ruux iyo qofka isku qarxiyey ay ka baaqatay diyaarada Turkish airlines , maadama masuuliyiinta Turkish airlines ay u sheegeen in cilad ah dabeelo xoogan darteed ay diirada u baaqatay sidaasi waxaa Tv-ga Al-jazeera u xaqiijiyey madaxa dallo Maxamed ibraahim yaasiin colaad.
Shirkada dallo airlines oo siday rakaab gaaraya 74 ayaa todobaadkii hore waxaa qabsaday qarax duleeliyey diyaarada taasi oo keentay in si deg deg ah ugu soo laabatay garoonka aadan cismaan ee magaalada muqdisho.
Diyaarada Turkish airlines ayaa tobaadkii saddex jeer imaan jirtay garoonka aadan cadde . ee Magaalada Muqdisho
TV-ga Aljazeera ayaa sheegay in ay la xiriireen masuuliyiinta Turkish airlines hasa-yeeshee aysan bixin faafaahin dheeriya oo ku aadan in weerarka la doonayey in diyaaradooda Turkish airlines lagu qarxiyo.

