Dowlada Kenya oo Lacago Siisay Qoysaska Askartii Kenya looga dilay Weerarkii Ceel-cadde.

0

Dowlada kenya ayaa sheegtay in la bilaabay  in lacago la siiyo qoysaska wiilashoodii looga dilay weerarkii ceel-cadde ee Gobolka Gedo kaasi oo Kenya ay uga geeriyoodeen askar badan.

Lusaka  waa Gudoomiyaha deegaanka Bungoma waxaa uu sheegay in halkii askari ay sinayaan qoyskiisa lacag gaareysa 100,000 oo lacagta Kenya ah. madaama ay askartaan u dhinteen dalka Kenya.

Deegaanka Bungoma ayaa ah deegaanka ay kasoo jeedaan askartii ugu badneed ee lagu dilay weerarkii ka dhacay deeganka Cel-cadde ee Gobolka Gedo ee Koonfurta dalka Soomaliya.

Weerarkaasi ayaan ilaa iyo hada masuuliyiinta dowlada Kenya aysan ka hadlin qasaaraha dhabta ah ee ciidankooda kasoo gaaray.w

Alshabaab ayaa dhankooda sheegtay in weerarkaasi ceel cadde oo dhacay 15-kii bishii janaayo in ay ku dileen 100 askari oo ciidankii ku sugnaa xeredaasi ceel-cadde ku taala Halka ay sidoo kale ay sheegeen in ay nolosha ku wateen askar nool-nool oo uu ku jiro taliyihii ciidankaasi.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here