Qaraxyadan oo ka kala dhacay Gobolada dalka Soomaaliya gaar ahaan gobolada Banaadir,Shabeelaha hoose iyo Shabeelaha dhexe ayaa Waxaa lala kala eegtay Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada AMISOM.
Qaraxa ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa ka dhacay agagaarka Xaafadda danwadaagta ee degmada Wadjir ee Muqdisho waxaana la sheegaya in lala eegtay Sarkaal Magaciisa lagusoo koobay cabdi wali oo halka uu rasmi ahaan kaga tirsanyahay aan la ogeyn,wararka qaar waxaa ay sheegayaan inuu ka mid ahaa saraakiisha Ciidanka Nabad-sugidda dowladda Soomaaliya halka warar kalena ay sheegayaan inuu ka mid ahaa maamulka garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho, waxaana qaraxa oo ahaa mid lagu xiray gaariga uu watay balse xiliga qaraxa uu dhacayey waxaa la sheegayaa inuu ka dagtay oo uu ku jiray goob farmashiye ah balse qaraxa waxaa la sheegay inuu ku geeriyooday ruux la sheegay inuu gaariga la saarnaa.
Dhinaca kale Gobolka Shabeelaha dhexe gar ahaan Magaalada Jowhar duleedkeeda Wararka ka imaanaya ayaa sheegaya in qarax uu ku geeriyooday Sarkaal la sheegay inuu ka tirsana Ciidanka Dowladda Soomaaliya waxaana sidoo kale naloo xaqiijiyey inuu ahaa Taliyihii Ciidanka Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jowhar waxaana ku geeriyooday halkaa Sarkaalkaasi oo magaciisa lagu Sheegay Cali Xasan iyo waliba qaar ka mid ah ilaaladiisa waxaana sidoo kale ku dhaawacmay 5-ruux oo kale,Waxaana wafdiga oo marayey xilliga qaraxu dhacayey ay marayeen Duleedka Magaalada Jowhar iyagoo ku wajahnaa Degmada Mahaddaay ee isla Shabeelaha dhexe.
Deegaanka leego ee Gobolka Shabeelaha Hoosena Waxaa ay sheegayaan in halkaasina uu maanta ka dhacay qarax lala eegtay Ciidamo ka tirsan MIdowga Africa AMISOM oo biyo ka dhaansanayey Baraakad ku taalla deegaankaasi,lama oga qaraxa qasaaraha uu u geystay Ciidanka AMISOM waxaana lasoo sheegayaa in qaraxa markuu dhacay kadib Ciidanka AMISOM ay wateen dad rayid ah oo ka mid ahaa dadka deegaanka islamarkaana ay jirdil u geysteen,Maamulka deegaankaasi oo aan xiriirro kala duwan la sameynay ayaa ka gaabsaday in wax faahfaahin ah ay ka bixiyaan.

