Wakiilka Laacibka qadka dhexe ee kooxda Manchester City Yaya Toure’s ayaa sheegay in uu xidiga ka dhaqaaqi doono xili ciyaareedkaan kadib markii uu la wareegaya shaqada city ninka reer Spain ee Pep Guardiola.
Kooxda Manchester City ayaa maalintii shalay xaqiijisay in macalinkii Hore ee kooxda Barcelona uu noqon doono midka shaqada ka badala macalin Manuel Pellegrini oo la shaaciyay in uu dhawaan kooxda ka dhaqaaqayo,
Wakiil Dimitri Seluk oo ah wakiilka Yaya Toure ayaa sheegay In yaya toure uu u malaynayo in uu ka dhaqaaqayo kooxda madaama uusan xiriir wanaagsan kala dhaxeynin macalin Pep Guardiola oo sanadkii 2010-kii kasoo direy kooxda Barcelona ee dalka Spain,

