Dhageyso:- Saameyn Naguma Yeelan doonto Ka Bixitaanka Ciidamada Kenya Gudaha Soomaliya

0

Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan sheikh Maxamuud oo ka qeyb galay shir madaxeedka Midowga Africa ee ka dhacay Magaalada addis abba ee dalka Ethopia  ayaa sheegay in dowladiisa aysan saameyn ku yeelan doonin hadii ciidamada Kenya ay ka baxaan soomaliya,

Mudane Xasan sheikh Maxamuud Madaxweynaha Soomaliya ayaa Tilmaamay in ciidamada xoogga dalka soomaliyeed ay haatan yihiin kuwa isku filan isagoona hadalkiisa ku daray in dowlada Kenya ay soomaliya ku taageertay la dagaalanka al-shabaab xili sanadkii 2011-kii ay kusoo biireen Howlgalka Midowga Africa ee amisom,

Madaxweynaha Soomaliya Xasan sheikh Maxamuud ayaa mahad balaaran u jeediyay Hogaanka Midowga Africa ee amisom sida ay dowlada soomaliya ugu gacan siiyeen la dagaalanka al-shabaab iyo kooxaha xiriirka la leh al-qaacida,

Waxa uu sheegay Madaxweynaha in al-shabaab ay awoodooda hoos u dhac haatana ay dowlada soomaliya la wareegi karto goobaha ay ka baxaan ciidamada Kenya ee qeybta ka ah Howlgalka Midowga Africa ee amisom.

Hadalka Madaxweynaha Soomaliya Xasan shiikh Maxamuud ayaa imaanaya kadib markii ciidamada kenya ay bilaabeen in ay ka baxaan saldhigyo ay ku lahaayeen Gobolada koonfureed ee soomaliya,

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here