Maamulka Soomali-land oo beeniyay Hadal kasoo yeeray Waaxda  Hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya

0

Maamulka Somali-land ayaa si kulul u beeniyay warka ku aadan in deeganada Maamulka Somali-land laga Furi doono xafiis laga qaato passaporka soomaliya, haatan laga isticaamo

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade oo Magaalada Hargeysa kula Hadlay saxaafada ayaa beeniyay in ay arkeen warqad ka Timid dowlada soomaliya oo ku aadan in xafiis dowlada soomaliya maamusho laga Furo deeganada Maamulka Soomali-land si dadka halkaas KU nool ay u qaataan passaporka soomaliya,

Mudane Cali Maxamed Warancade wasiirka arrimaha Gudaha soomali-land  waxa uu sheegay in deeganada Maamulka Somali-land aan marna laga isticmaali doonin passaporka soomaliya xiligaan laga Isticmaalo isagoona madaxda dowlada soomaliya ugu baaqay in ay ilaaliyaan nidaamka, waa siduu hadalka u dhigay wasiirka

Hadalka  Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade ayaa imaanaya xili shalay  Taliyaha hogaanka socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Janaraal C/laahi Gaafow Maxamuud oo muqdisho ka sheegay in dhawaan  deeganada Maamulka soomali-land laga Furi doono xafiis laga qaato passaporka,

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here