Wasiirka kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda ee Xukuumadda Soomaliya Mudane Maxamad Cumar Caymooy ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilsay safiirka dowlada Turky-ga u fadhiya soomaliya,
Kulanka ay wada qaateen Wasiirka kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda iyo safiirka dowlada Turky-ga ayaa loogu hadlay sidii ganacsatada reer Turki ay kaga kalluumeysan lahaayeen xeebaha dalka, iyagoo raaca sharciyada u yaalla dalka ee dhanka kalluumeysiga qaabilsan.
Wasiirka kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda ee Xukuumadda Soomaliya Mudane Maxamad Cumar Caymooy oo saxaafada la Hadlay ayaa sheegay in safiirka ay kawada hadleen xoojinta iyo iskaashiga kallumaysiga iyo Kheyraadka Badda labada dowladood,
Danjire Olgen Bekar Safiirka Dowlada Turkiga u fadhiya Soomaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wasaaradda kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda ee Xukuumadda Soomaliya ay isla meel dhigeen sidii la iskaga kaashan lahaa kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda.

