Xukuumadda Soomaliya Guddi u Xil Saartay duqeymihii ay diyaaradaha Kenya ka geysteen deeganka Ceel-cadde

0

Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaliya ay guddi u xil saartay duqeymihii ay diyaaradaha dowlada Kenya ay ka geysteen  deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo.

Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke oo la Hadlay warbaahinta dowlada ee Radio Muqdisho ayaa sheegay in dowlada Kenya ay kala hadleen sidii loo joojin lahaa duqeymaha dhanka cirka ee lagu fuliyo deegaano hoos Yimaada Gobolka Gedo ee koonfurta dalka soomaliya,

Raisulwasaaraha Soomaliya Cumar C/rashiid ayaa dhanka kale Tilmaamay in Xukuumadda Soomaliya  guddi xaqiiqo raadin ah oo uu hogaaminayo Wasiirka Difaaca ee Soomaaliya ay dhawaan tegi doonaan deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo, si ay u soo qiimeeyaan xaaladda dadka halkaasi ku nool iyo saameynta ay ku yeelatay duqeymaha xagga cirka ah. Ay fuliyeen diyaaradaha dowlada Kenya,

Hadalka Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa imaanaya xili diyaaradaha dowlada Kenya ay duqeymo dhanka cirka ah ay  ka fuliyeen deegaanka Ceel-cadde ee Gobolka kadib weerar lagu qaaday  saldhig ay ciidamada Kenya ku lahaayeen deegaankaas,

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here