Kulan loogu Hadlaayay Sugida Amniga Gobolka Banaadir oo Maanta Lagu Qabtay Magaalada Muqdisho +Sawiro

0

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho Lagu qabtay kulan loogu hadlaayay  dardar gelinta amniga guud ee gobolka banaadir wuxuuna kulanka ka dhacay xarunta loogu magac-daray  Allaha u naxariistee Hindiya Xaaji oo ku taala qeybta guud Nabad Sugidda Gobolka Banaadir.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska, Taliyaha Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka, yo talisyada qeybaha guud ee booliska iyo nabad sugida gobolka.

Ugu Horeyntii Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf xuseen Jimcaale oo kulanka Furitaankiisa ka hadlay ayaa sheegay in shacabka Gobolka Banaadir loogu baahan yahay in laamaha amaanka Gobolka Banaadir  ay kala qeyb qaataan sugida amniga, si loogu hortago weerarada al-shabaab,

Dhanka kale Afhayeenka Maamulka Gobolka Benaadir Cabdifataax Cumar Xalane oo kulanka kadib saxaafada la Hadlay ayaa sheegay in kulan intiisa badan diirada lagu saaray sidii loogu qeyb qaadan lahaa sugida amniga Gobolka Banaadir,

IMG_1045 IMG_1049 (1) IMG_1060 IMG_1070IMG_1072 IMG_1072

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here