Shir Madaxeedkii 26-aad ee Midowga Afrika. oo Maanta ka Furmaya Magaalada Addis Ababa,

0

Waxaa Maanta Magaalada Addis Ababa, ee Xarunta dalka Ethopia ka furmi doona Shir Madaxeedkii 26-aad ee Hogaamiyaasha Ururka Midowga Afrika.

Shirka waxaa ka qeyb galaya Hogaamiyaasha wadamada qaarada Afrika iyadoona soomaliya uu shirkaan u matalayo Madaxweynaha soomaliya Mudane xasan sheikh Maxamuud, oo galinkii dambe ee shalay gaaray Magaalada Addis Ababa.

Shir Madaxeedka Midowga Afrika ayaa arrimaha ugu waaweyn ee lagu soo qaadi doono waxaa ka mid ah colaadaha ka aloosan dalalka Burundi iyo Koonfuurta Suudaan. Waxaana Hogaamiyaasha shirka ka qeyb galaya ay go’aano ka gaari doonaan arrimaha ka aloosan dalalkaas iyo sidii xal loogu gaari lahaa,

Waxaa sidoo kale shirka barbar socon doona shir madaxeed gaar ah oo madaxda IGAD ay kaga hadli doonaan arrimaha Soomaaliya iyo shir madaxeed iyana gaar ah oo ay isugu imaan doonaan madaxda dalalka ciidammada ay ka joogaan Soomaaliya oo looga hadli doono hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Dhanka kale Madaxa Guddiga Sare ee Midowga Afrika, Nkosazana Dlamini-Zuma ayaa dhankeeda waxay xusuusisay madaxda Afrika ee shirka ka qeyb galaysa  in laga dhabeeyo balanqaadkii hore loo gaarey ee ahaa in qaaradda Afrika laga ciribtiro colaadaha.marka la gaaro sannadka 2020.

Madaxweynaha soomaliya Mudane xasan sheikh Maxamuud ayaa inta shirkan uu socdo waxaa uu shir guddoomin doonaa shir ay isugu imaanayaan madaxda Bariga Afrika ee ku jira Taliska Ciidammada Gaarka ee Bariga Afrika. Shirkan ayaa waxaa looga arrinsan doonaa xasaradda ka aloosan dalka Burundi iyo sidii dalkaasi ciidammo nabad ilaalin ah loogu diri lahaa.

Sidoo kale Shirkan waxaa ka qeybgalaya 54-ta dowladood ee xubnaha ka ah ururka, iyadoo wasiirada arrimaha dibedda ee dalalkan ay horay u yeesheen kulamo ay ku diyaarinayaan ajendaha shirka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here