Saraakiisha Ciidamada Wadanka Itoobiya iyo Maamulka Degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa maanta kulan looga hadlayo Amaanka waxa ay ku yeesheen degmada waajid gobalka bakol.
Saraakiisha ciidamada Dowlada iyo kuwa itoobiya ee sugan gobalka bakool iyo maamulka waajid ayaa ka wada hadlay amaanka degmada waajid iyo deegaanada ku xeeran ee ka tirsan gobalka bakool.
Gudoomiyaha degmada Waajid ee gobalka Bakool Cabdulaahi Aadan yariisow oo kulanka ka dib la hadlay Idaacada Simba ayaa faah-faahin ka bixiyey wax yaabihii ay ka wada hadleen saraakiisha Ciidanka itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka midowga afrika ee AMISOM asagoona sheegay in kulanka ay diirada ku saareen arimaha amaanka iyo sidii Al-shabaab ay kaga saari la haayeen guud ahaan deegaanada hoosyimaada degmada waajid.
Cabdulaahi Aadan yariisow Gudoomiyaha degmada waajid ee gobalka Bakool ayaa sheegay in dhawaan ay bilaabi doonaan howlgal ka dhan ah dhaq-dhaqaaqa Alshabaab isla markaana kulanka maanta ka dhacay degmada waajid lagu go’aamiyey dhawaanna uu bilaabanayo duullaankaasi siduu hadalka u dhigay.

