Madaxweynaha wadanka Negeria Muhammadu Buhari ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Eldoret ee koonfurta dalka Kenya,
Waxaa garoonka kusoo dhaweeyay ,madax uu kamid yahay Madaxweynaha wadanka Kenya Uhuru Kenyatta. Waxaa sidoo kale lagu dhaweeyay 12-xabadood ay rideen ciidamada difaaca dowlada Kenya oo xiligaas ku sugnaa garoonka diyaaraha Magaalada Eldoret.
Madaxweynaya ayaa loo galbiyay xarun loogu talagay Madaxda ka qeyb galaysa aaska qaran ee loo sameynayo askartii ku dhimatay weerarkii dhawaan al-shabaab ay ku qaadeen deeganka ceel-cadde ee Gobolka Gedo,
Dhanka kale waxa Maanta Magaalada Eldoret ee koonfurta dalka Kenya, Gaaray Madaxweynaha wadanka Soomaliya xasan sheikh maxamuud waxaana Garoonka diyaaraha Magaaladas kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto iyo wasiirka arrimaha dibada Kenya Marwo Amina Mohammed.
Dhamaan Madaxda ayaa ka qeyb galaysa aaska qaran ee loo sameynayo askartii dhawaan lagu dilay weerarkii ka dhacay deeganka cel-cadde ee Gobolka gedo,

