Rug Caddaa  Saxaafadeed Cabdi Xaaji Goobdoon oo Maanta Lagu aasay Magaalada Muqdisho

0

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho Lagu aasay ala ha u naxariistee Rug Caddaa  saxaafadeed Cabdi Xaaji Goobdoon oo habeenkii xalay ku geeriyooday mid kamid ah isbitaala Magaalada Muqdisho,

Aaska loo sameeyay Cabdi Xaaji Goobdoon waxaa ka qeyb galay Madaxda Labada Gole ee Dowlada soomaliya qoyska Marxuumka , qaar kamid ah wariyaasha Magaalada Muqdisho iyo ururka suxufiyiinta qaranka soomaliyeed ee Nusoj,

Wasiirka warfaafinta Xukuumadda Soomaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo aaska kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Cabdi Xaaji Goobdoon uu ahaa abaaha saxaafada soomaliya ayna saxaafada mar walba Tabi doonto,

Dhanka kale xoghayaha ururka suxufiyiinta qaranka soomaliyeed ee Nusoj, maxamed ibraahin Pakistaan oo aaska kadib hadlay ayaa sheegay in ka urur ahaan ay tacsi ka dirayaan geerida ku timid rug cadda saxaafadeed Cabdi Xaaji Goobdoon.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here