Wararka haatan naga soo gaaraya Gobolada Jubooyinka iyo Gedo ayaa ku waramaya in ciidamada Kenya ee qeybta ka ah Howlgalka Midowga Africa ay saakay isaga baxeen deeganka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo iyo meelo kamid ah Gobolada Jubooyinka,
Qof ku sugan Gobolka Gedo oo la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in saakay aroortii ay ciidamada Kenya ay isaga baxeen deegaanka ceel-cadde ee Gobolka gedo oo dhawaan ay weerar ku qaadeen rag ka Tirsan al-shabaab,
Dhanka kale Isgaarsiinta Ceel-cadde oo xalay fiidkii hawada laga saaray ayaa dib usoo laabatay saakay waxaa haatan deeganka la sheegay in ay la wareegeen ciidamada al-shabaab oo dhawaan weerar xoogan ku qaaday deegaankaas,
Dhawaan ayay aheyd markii ciidamada Kenya ay dib ugu la wareegeen deeganka Ceel-cadde ee Gobolka gedo oo al-shabaab ay weerar qorsheysan ku qaadeen sanadkaan cusub, 2016-ka.

