Beesha Mareexaan ayaa wax laga xumaaday ku Tilmaamtay hadal kasoo yeeray Madaxweynaha wadanka Kenya Uhura Kenyata oo ku aadanaa in beesha Mareexaan ay qeyb ka aheyd dagaalkii dhawaan lagu qaaday saldhiga ay ciidamada Kenya ku lahaayeen deegaanka ceel-cadde ee Gobolka gedo,
Gudoomiye ku xigeenka Gudiga guurtida beesha Mareexaan Axmed Ciise Cali oo la hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aysan aheyn wax Madaxweyne uu ku hadlo hadal kasoo yeeray Madaxweynaha wadanka Kenya Uhura Kenyata oo ahaaa In beesha mareexaan ay ka qeyb aheyd abaabulkii dagaalkii lagu dilay askar badan oo ka Tirsan ciidamada Kenya,
Axmed Ciise Cali waxa uu sheeegay in beesha mareexaan oo kaliyah aysan aheyn Xarakada al-shabaab al-shabaabna ay ka kooban yihiin beelo badan oo isu tagay hadal kasoo yeeray Madaxweynaha uu dhaawac ku yahay beesha Mareexaan,
Dhanka kale Gudoomiye ku xigeenka Gudiga guurtida beesha Mareexaan Axmed Ciise Cali waxa uu ugu baaqay dowlada dhexe ee soomaliya in ay soo faragaliyo arintaan iyo ka hadalka hadalka Madaxweynaha wadanka Kenya Uhura Kenyata ee ahaa in beesha Mareexaan ay ka dambeysay abaabulka dagaalkii lagu dilay askar badan oo ka Tirsan ciidamada Kenya.
Hadalkaan kasoo yeeray Gudoomiye ku xigeenka Gudiga guurtida beesha Mareexaan Axmed Ciise Cali ayaa kusoo beegmaya xili maanta uu madaxweynaha Kenya uu sheegay in beesha Mareexaan ay aheyd beeshii ka dambeysay dagaalkiii lagu dilay askar badan oo ka Tirsan ciidamada Kenya,

