Xeer Ilaaliyaha Guud Qaranka, Axmed Cali Daahir, ayaa tacsi u direy eheladiii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Ku Xigeenkiisii xeer ilaaliyaha qaranka Maxamuud Cabdi Magan oo kamid ahaa dadkii lagu dilay weerarkii dhawaan Lagu qaaday maqaaxiyadaha ku yaala Xeebta Liido. ee degmada C/casiis,
Mudane Axmed Cali Daahir ayaa Tilmaamay in meydka Maxamuud Cabdi Magan Ku Xigeenkiisii xeer ilaaliyaha qaranka laga helay dhisamaha maqaayada ku taala xeebta liido kadib markii ay weerar ku qaadeen Rag ka Tirsan xarakada al-shabaab habeenkii Jimcaha.
Weerarkii Lagu qaaday maqaayada ku taala xeebta Liido ayaa dhaliyay qasaaro dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah iyo Madax dowlada soomaliya ka tirsan waxaana weerarkaas cambaareeyay madaxda dowlada somaliya iyo beesha Caalamka,

