Diyaaradaha Kenya oo duqeeyay duleedyada Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay

0

Diyaarada dowlada Kenya  ayaa Maanta duqeeyay  duleedyada Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay, iyagoona duqeynta ka Fuliyay goobo aysan joogin Maamulka xarakada al-shabaab,

Diyaaradaha Kenya, ayaa garaacay deegaanada Raaxoole iyo Qod-qod oo labaduba hoos-tagga Degmada Diinsoor, waxayna maamulka degmada Diinsoor ay wadaan baaritaano ay ku ogaanayeen waxyeelada ay geysatay duqeynta,

Gudoomiye Ku Xigeenka Dhinaca Arrimaha Bulshada Degmada Diinsoor, Abshir Macalin oo warbaahinta la Hadlay ayaa sheegay ugu yaraan 12-gantaal lagu dhuftay deegaanada Raaxoole iyo Qod-qod oo labaduba hoos-tagga Degmadaasi Diinsoor, walina ay ku mushquulsan yihiin waxyeelada ay geysteen,

Dhan kale Dyaarahada dowlada Kenya ayaa wado duqeymaha ay ka Fulinayaan Koonfurta dalka soomaliya iyadoona dowlada Kenya ay sheegayso in ay bartilmaameedsanayaan Raga ka Tirsan al-shabaab oo ku sugan goobahaas,

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here