Raisulwasaaraha Soomaliya oo Qeyb galay Munaasabad Lagu Sagootinaayay Ciidamo ka Socda Dalka Jabuuti+ Sawiro

0

Raisulwasaaraha Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali sharmarke ayaa Maanta ka qeyb galay Munaasabad  lagu sagootinaayay ciidamo ka socday Dalka jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka amisom oo mudooyinkii dambe u sugnaa Gobolka Hiiraan. Waxaana Lagu badali doonaan ciidamo kale oo ka socda dalka Jabuuti,

Munaasabada sagootinta oo ka dhacday Magaalada Beledweyne  waxaa goob-joog ka ahaa xubno uu kamid yahay Wasiirka Gaashaandhiga xukuumadda Soomaliya Mudane C/qaadir sheikh Cali diini, Maamulka Gobolka Hiiraan iyo saraakiil Ciidan, iyo wasiirka amniga Gudaha xukuumadda Soomaliya Mudane C/risaaq Cumar Maxamed,

Wasiirka gaashaandhiga dalka jabuuti Mudane Xasan dharaar Hufane ayaa  ka sheekeeyay wax yaabihii ay ka qeyb qaaten ciidamada maanta la badalay ee ka socday Dalka Jabuuti, iyo kuwa soo socda waxa loogu baahan Yahay,

Mudane C/qaadir sheikh Cali diini wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaliya oo hadal kooban goobta ka jeediyay ayaa Mahad balaaran u jeediyay dowlada Jabuuti uu ku sheegay In ay kamid Tahay dowladaha soomaliya ka taageera la dagaalanka kooxaha kasoo horjeeda dowlada,

Ugu dambeyntii Raisulwasaaraha Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali sharmarke oo gaba-gabada Munaasabada ka Hadlay ayaa sheegay in dowlada Jabuuti ay mar walba dadaal ugu jirto sidii loosoo calin lahaa Nabadii soomaliya,

Sagootinta-ciidamada.1jpg - Copy Sagootinta-ciidamada.1jpg Sagootinta-ciidamada.2jpg Sagootinta-ciidamada.3jpg - Copy Sagootinta-ciidamada.7jpg Sagootinta-ciidamada.7jpg - Copy Sagootinta-ciidamada.6jpg Sagootinta-ciidamada.6jpg - Copy Sagootinta-ciidamada.5jpg Sagootinta-ciidamada.5jpg - Copy Sagootinta-ciidamada.3jpg Sagootinta-ciidamada.8jpg - Copy Sagootinta-ciidamada.8jpg Sagootinta-ciidamada.9jpg Sagootinta-ciidamada.11jpg - Copy Sagootinta-ciidamada.11jpg Sagootinta-ciidamada.12jpg - Copy Sagootinta-ciidamada.12jpg

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here