Raisulwasaaraha Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali sharmarke ayaa Maanta ka qeyb galay Munaasabad lagu sagootinaayay ciidamo ka socday Dalka jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka amisom oo mudooyinkii dambe u sugnaa Gobolka Hiiraan. Waxaana Lagu badali doonaan ciidamo kale oo ka socda dalka Jabuuti,
Munaasabada sagootinta oo ka dhacday Magaalada Beledweyne waxaa goob-joog ka ahaa xubno uu kamid yahay Wasiirka Gaashaandhiga xukuumadda Soomaliya Mudane C/qaadir sheikh Cali diini, Maamulka Gobolka Hiiraan iyo saraakiil Ciidan, iyo wasiirka amniga Gudaha xukuumadda Soomaliya Mudane C/risaaq Cumar Maxamed,
Wasiirka gaashaandhiga dalka jabuuti Mudane Xasan dharaar Hufane ayaa ka sheekeeyay wax yaabihii ay ka qeyb qaaten ciidamada maanta la badalay ee ka socday Dalka Jabuuti, iyo kuwa soo socda waxa loogu baahan Yahay,
Mudane C/qaadir sheikh Cali diini wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaliya oo hadal kooban goobta ka jeediyay ayaa Mahad balaaran u jeediyay dowlada Jabuuti uu ku sheegay In ay kamid Tahay dowladaha soomaliya ka taageera la dagaalanka kooxaha kasoo horjeeda dowlada,
Ugu dambeyntii Raisulwasaaraha Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali sharmarke oo gaba-gabada Munaasabada ka Hadlay ayaa sheegay in dowlada Jabuuti ay mar walba dadaal ugu jirto sidii loosoo calin lahaa Nabadii soomaliya,



















