Wararka Ka imaanaya Magaalada Baladweyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Magaalada ay Manta ku wajahanyihiin Madaxweynayaasha Dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti Xasan Sheekh iyo Ismaaciil Cumar Geelle.
Ujeedka Madaxdan ayaa lagu sheegayka qeybgalka Munaasabad lagu kala Wareejinaayo Ciidanka Jabuuti ee ku Sugan Magaalada Baladweyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan,kadib markii dhawaan dowladda Jamhuuriyadda Jabuuti ay isbadal ku sameysay Ciidamadeedaku sugan gobolka Hiiraan.
Ammaanka Magaalada Baladweyn ayaa guud ahaan Saaka hakad ku jira iyadoona Ciidamo farabadan oo isugu jira Soomaali iyo jabuutiyaan farabadan lagu arkayo Xaafadaha iyo Waddooyinka Waaweyn ee Magaalada Baladweyn kuwaasi oo diidaya in dadku ay maraan Xaafadaha qaar ee Magaalada Baladweyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan ee Dowladda Soomaaliya ayaa u sheegay Radio Simba in ka maamul ahaan ay u diyaar garoobeen Soo dhaweynta Wafdiga ka kala imaanaya Muqdisho iyo DJabuuti ee ay kala hogaaminayaan Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Waliba Jabuuti.
Waxaana madaxdan Dowladda Ka tirsan ay sheegeen in Markaasi ay hadda joogaan garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalad Baladweyn halkaasi oo ay wafdiga ku sugayaan.

