Maanta Waxaa ay ku beegantahay Maalinta qorista Farta Soomaaliga Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxaa lagu wadaa in ay ka dhacdo Munaasabado kala duwan oo lagu xusaayo Munaasabaddan ku aaddan qorista farta Soomaaliga oo Maanta ku beegan.
Munaasabadahan la filaayo in maanta Magaalada ay ka dhacaan waxaa ka qeybgalaya Madaxda Dowladda Soomaaliya oo uu ka mid yahay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Madax kale oo Dowladda Soomaaliya ka Tirsan.
Qabanqaabadii ugu dambeysay e ay ku furmay mid ka mida Munaasabadaha Maanta dhacaya ayaa hadda waxay ka socotaa Xarunta Akadeemiyadda oo ku taalla Magaalada Muqdisho waxaana halkaasi la filayaa sida wararku tilmaamayaan in madaxweynuhu uu goor dhaw gaaro si uu Munaasabadda u furo.
Waddooyinka Waaweyn ee Magaalada Muqdisho ayaa guud ahaanba Xiran Maanta gaar ahaan kuwa gala Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya kuwaasi oo loo xiray Munaasabadda lagu xusaayo qorista farta Soomaaliga oo sannad walba Mantoo kale ay si weyn u xusaan Bushada Soomaaliyeed meelwalbay joogaan.
21-Janaayo 1973 Maantoo kale Xukuumaddii Milatariga ahayd ee uu madaxda Ka ahaa Allaha U Naxariistee Maxamed Siyaad Barre ayaa u asteeysay Maantoo kale in ay xusaan bushada Soomaaliyeed Munaasabaddan oo kale taasi oo loo asteeyey Maalinta qoridda farta Soomaaliga,Sanad walbana Soomaaliya waa laga Xusaa.
Muddooyinkii dambe qeybaha kala duwan ee bushada Soomaaliyeed ayaa waxaa ay sheegayeen in uu sii dabar go’ayo afka Soomaaliga Maadaama ay soomaalidu xoogga saareen ku hadalka luuqadaha qalaad taasi oo dhibaato xooggan ku ah sii nolaashada Afka Soomaaliga.

