Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guuleed oo Maanta warbaahinta Kula Hadlay Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegay in aan la heynin Tira koobka Rasmiga ah ee shacabka soomaliyeed taasi ay u doorteen In doorashada soomaliya ka dhacaysa sanadakan laga dhigo nidaamka 4.5.
Mudane C/kariin Guuleed waxa uu sheegay in shacabka deegnada Maamulka Galmudug ay ku qanacsan Yihiin in doorashada ka dhacaysa Soomaliya laga dhigo nidaamka 4.5 madaama aan la haynin Tira koobka rasmiga ah ee shacabka soomaliyeed,
Hadalka madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa imaanaya xili madaxda dowlada soomaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada ay isku af-garan la’ Yihiin nooco doorasho ee soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka.

