Crystal Palace oo Xili Ciyaareedkaan lasoo Wareegaysa Weeraryahanka Sergio Aguero

0

Macalinka kooxda Crystal Palace Alan Pardew ayaa sheegay in ay kooxdiisa qorshaha ugu jiro in ay xili ciyaareedkaan lasoo wareegto weeraryahanka kooxda Manchester City Sergio Aguero oo waayo fiican sameynaya xili ciyaareedkaan,

Weeraryahanka heerka caalami ee xulka dalka Argetine ayaa labo Gool u dhaliyay kooxda Manchester City kulankii ay 4:0 kaga  adkaadeen kooxda Crystal Palace ciyaar dhacday sabtidii.

Macalinkii Hore ee kooxda Newscastle United oo xili ciyaareedkaan baadi-goobaysa weeraryahanka qeybta dhalinta aad u wanaagsan ayaa sidoo kale xiiseenaya weeraryahankii Hore ee kooxaha Totenham, arsenal iyo Real Madrid Emmanuel Adebayor.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here