Hooyo iyo Wiilkeeda oo Maanta Lagu  Qisaasay deegaanka Mandheera ee Gobolka Saaxil –

0

Wararka ka imaanaya deeganada Maamulka Somali-land ayaa ku waramaya in Saddex ruux oo lagu eedeeyey in ay geysteen dilal,  in maanta lagu qisaasay deegaanka Mandheera ee gobolka Saaxil,

Maxkamada deegaanka Mandheera ee gobolka Saaxil ee Maamulka Soomali-land ayaa dadkaan ku eedeysay in ay ka dambeeyeen dilal dad rayid ahaa oo ku Nolaa deeganka,

Dadka Maanta xukunka dilka ah lagu fuliyay waxaa kamid ahaa wiil iyo Hooyaddii, kuwaasoo dhawaan haweenay magaceedda lagu sheegay Ruqiya Siciid Ayaanle nolosha ku Duugey, isla markaana Guri dhexdiisa ku dhex aasay,

Dhanka kale ruux sadaxaad ee dilka Lagu fuliyay ayaa ahaa ruux sida la sheegay ka dambeeyay dilka sarkaal ka Tirsanaa ciidamada amaanka Maamulka soomali-land waxaana isla maanta lagu toogtay deeganka saaxil,

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here