Ciidamada Dowladda Oo Hawlgalo qorsheysan ka sameeyay Ceelasha Biyaha

0
Somalia's troops run through a doorway during an operation to flush out suspected al-Shebab elements at Elasha Biyaha June 2, 2012. Somalia's Al-Qaeda-linked Shebab insurgents this week confirmed the fall of one of their last remaining bases, the southern town of Afmadow, to African Union and allied forces. "The Mujahedeen fighters tactically withdrew from Afmadow this afternoon and the allied enemy forces have entered the city without fighting," Shebab commander Sheikh Mohamed Ibrahim told AFP by phone. "Our aim is to let the enemy expand its area of deployment so that we can inflict heavy losses on them," he added. AFP PHOTO / Mohamed ABDIWAHAB

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Xalay halkasi ay hawlgalo qorsheysan ay ka sameeyen Ciidamo katirsan kuwa Dowladda Fedaralka ee Soomaaliya.

Hawlgaladaan oo ahaa kuwa xoogan ayaa waxaa sameenayay Ciidamo katirsan  Booliiska Soomaaliyeed oo ka baxay magaalada Muqdisho.

Dad ku sugan deegaanka Ceelasha Biyaha oo la hadlay Idaacada Simba ayaa usheegay in hawlgalkaan oo ka duwanaa kuwii hore, waxyana sheegeen in ciidamada Dowladda ay lug ku soo galeen Ceelasha Biyaha .

Ciidamada ayaa guryaha ka soo bixinayay Dhalinyarada iyaga oo isku ku keenyay goobo barxada ah oo ku yaala Ceelasha Biyaha,halkaasi oo ay mid mid ugu baarayen.

Laamaha ammniga Dowlada wali ma aysan shaacin cid ay ku soo qabteyn hawlgalkaan, waxaana maalmihii la soo dhafay aad loo adkeeyay Koontarolada laga soo galo magaalada Muqdisho, iyadoona la arkayay Ciidamada Dowlada oo si wayn ubaaraya dadka soo galaya iyo kuwa ka baxa magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here