Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sharaxaad ka bixisay kulankii Dalka Sacuudiga ku Dhexmaray wasiiro ka Tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia Axmed Ciise Cawad oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in wasiiradda Dowladda Dhexe iyo muuse Biixi ay isku arkeyn sacuudiga oo xajka loo tagay.
Waxa uu sheegay in kaliyah in ay la kulmeen madaxweynaha Somaliland iyo wasiiradiisa, balse aysan isku soo qaadin wax siyaasadda ah.
Sawirka Wasiiradda Dowladda Soomaaliya iyo Madaxweynaha Somaliland ayaa shalay oo idil aad oogu hadal hayay baraha bulshada.

